Barnamijka Xogta Todobaadka
Heesti sanad wanaagsan
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Saaka Faahfaahin Ka Siiyay Guddida Joogta Ah Ee Golaha Guurtida Halka Ay Marayso Xaalada Caafimaad Ee Dalku.
Hargeysa (Ramaas) Jan.05, 2011 - Wasiirka caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamuud Xoog, ayaa saaka xog waran ka siiyay guddi hoosaadka joogta ah ee goloha Guurtida xaalada caafimaad ee wadanku ku sugan wakhtigan.
Waxa uu wasiirku sheegay in xaalada caafimaad ee dalku ay hadda aad u fiican tahay, iyada oo ay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka ay ka jiraan goobo caafimaad oo si wanaagsan u shaqaynaya, inkasta oo aan meesha laga saari Karin baahida laxaadka leh ee loo qabo in la helo adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Waxa uu soo bandhigay qorshaha ay ku hawl gali doonaan sannadkan, isagoo sheegay in ay bilaabeen sidii cisbitaalada waaweyn iyo rugaha caafimaadka loo horumarin lahaa, si looga baxo dhibaatada ay dadku dareemayaan, waxaana uu yidhi “ waxa aanu doonaynaa in aanu cisbitaalada ku wareejino hay’adaha nagala shaqeeya hagaajinta caafimaadka dalkeena, imika waxa gobolka Saaxil dhawaan laga hirgelin doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaadka oo aad u liita, gobolada kale iyana qaarkood waxaanu wadnaa sahamin lagu daraasaynayo baahiyaha jira sidii loo dabooli lahaa waxa ka mida gobolada Togdheer, Sanaag, Sool, Maroodi-jeex iyo Awdal oo dhamaantooda aanu si dhakhso ah uga hirgelin doono barnaamijkaas.
Waxa uu Dr Xuuseen Xoog uu balan qaaday in cisbitaalada Magaalooyinka Oodweyne iyo Saylac dib u dhis lagu samayn doono sannadkan gudahiisa, maadaama dadka ku nool dhulkaas ay u baahan yihiin daryeel caafimaad, waxa uu yidhi ”cisbitaalada burbursan ee Maagaalooyinka Oodweyne iyo Saylac dib ayaanu u dhisi doonaa in badan ayay dayacnaayeen, waxaana hawshaas fulinaya hay’adaha UNICEF iyo Coopi oo dhawaan bilaabi doona.
Waxa kale oo uu sheegay in hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ay dalka soo gaadhsiiyay qalab lagu baadho daawooyinka laga keeno dibadaha, kuwaas oo khatar caafimaad ku haya dadka, waxa uu intaas ku daray in guul laga gaadhay sidii loo xakamayn lahaa cuduro faro baas ku hayey bulshada, kadib markii la helay qalabkii lagu baadhayay iyo daawooyin tayo leh oo lagula tacaalayo cuduradaas.
Ugu dambayntii waxaa uu Wasiirka caafimaadka Somaliland uu halkaas si wanaagsan ugaga jawaabay su’aalo tiro badan oo ay mudanayaashu waydiiyeen.
Almisnews hargeisa office